Yleisradio Oy

Yle waxeey dayrta 2024 bilaabi doonta warar ku baxaya luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga

Jaa

Idaacada Yle ayaa waxay kordhin doontaa adeegyada wararka ku baxa luqadaha laga tirada badanyahay. Adeegga luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga ayay bilaabi doontaa 23.9. Adeegyada luqadahaan waa kuwo tijaabo ah oo socon doona wax ka yar hal sano. Wararka af-Carabiga waxaa soo dayn doona Esraa Ismaeel, halka wararka af-Soomaaligana ay sii dayn doonaan Wali Hashi iyo Horio Abdulkadir.

Wali Hashi, Esraa Ismaeel, Horio Abdulkarir.
Wali Hashi, Esraa Ismaeel, Horio Abdulkarir. Image: Benjamin Suomela & Juha Laukkanen / Yle

Yle waxaa horay uga bixi jiray warar ku baxa luuqado kala duwan. Waqtigii Koronaha waxaa wararka lagu sii dayn jiray afka-Soomaaliga, Carabiga, Kurdiga iyo Faarsiga. Markii uu bilowday duullaankii Ruushku, idaacada Yle waxay adeegeedii ku siyaadisay wararka ku baxaya luqada Ukrayn. Wararka af-Ruushka waxaa sii daaya Yle Novosti, halka wararka af-Ingiriisigana ay sii dayso Yle News. Wararka ku baxaya luqaddaada hooyo waxay kaa saacidayaan inaad ula qabsato oo aad si ka wanaagsan sidii hore u fahanto bulshada Finland. Wararka ku baxa luqadaha kala duwan ayaa sidoo kale dhagaystaha u horseedaya la socoshada wararka ku baxa luqada la fududeeyo, Waxayna hoos u dhigtaa caqabadaha ka hortaagan barashada luqadda Finnishka.

Sharciga ayaa sidoo kale Yle ku waajib yeelaya inay markeey ku haboontahay u adeegto dadyowga luqadaha kale ku hadla ee dalka ku nool iyo inay gacan ka gaysato ilaalinta dhaqanka Finnishka, dulqaadka, sinnaanta, isdhexgalka  iyo kala duwanaanshaha dhaqanka iyo in weliba  xil leyska saaro in barnaamijyada lagu soo bandhigo luqadaha laga tirada badanyahay iyo kuwa baahida gaar ah qaba.


Carabiga iyo Soomaaligu waxay ka mid yihiin luqadaha ajinabiga ee ugu waawayn dalkeena

Waxaa xilligaan Finland ku nool qiyaastii nus milyuun qof oo afkooda hooyo uusan ahayn luqada Finnishka, Iswidhishka ama Saami, waxaana la saadaalinayaa inay tirada dadkaasu mustaqbalka sii kordhi doonto. Xilligaan la joogo, tirada dadka luqada carabiga ay u tahay afkooda hooyo ee ku nool Finland waa qiyaastii 40,000, halka dadka soomaaligu luqada hooyo u yahayna ay dhanyihiin ku dhawaad 25,000.

Helitaanka wararka laga soo aruurinayo bulshooyinka badan ee dalka u soo guuray waxay na siinaysaa aragti dhammaystiran oo ku saabsan bulshooyinka Finland oo maalinba maalinta ka dabaysa isku sii dhafmayo. Markii la  eego xiriirka wanaagsan ee mujtamaca dhexmara, waxaa muhiim u ah inuu midba walba si fiican u barto kan kale qiyamkiisa, aragtidiisiisa, iyo dhaqankiisaba. Waxaa intaas dheer inay wararka ku baxaya luuqada hooyo qofka ka saacidayaan sidii uu dalka ula qabsan lahaa fahamka qofku uu ka qabo bulshada uu sii kobcayo awgeed. Sidaasna waxaa yiri Marko Krapu, oo ah mas'uulka wararka ku baxa luqadaha kala duwan ee ee Yle.

Wararka af-soomaaliga waxaa soo jeedin doona Wali Hashi iyo Horio Abdulkadir, halka wararka af-carabiga ahna ay soo jeedinayso Esraa Ismaeel. Wararkaas ooh ah muuqaal ayaa waxaa la soo dayn doonaa maalmaha shaqada. Baraha bulshada ee  YouTube, Instagram, Facebook, Telegram, iyo TikTok ayaa noqon doona meelaha ugu waawayn oo wararkaas la soo dhigo, iyadoo markaasna isticmaalayaasha lagu hagi doono dhanka Yle Areena iyo Yle.fi.

Way adagtahay in la gaaro dadyowga ku hadla luqadahaas iyadoo la adeegsanayo qaabkii soo jireenka ahaa. Waxay dadkaasi si weyn u isticmaalaan warbaahinnada kala duwan ee baraha bulshada, sidaa darteed waa inaan annaguna joognaa meelaha ay joogaan ee laga helo. Barahaas bulshada ayaa waxaa ku faafa warar marin habaabin ah. Tusaale ahaan, Ruushku ayaa wuxuu ku beegsadaa dhalinyarada soomaalida iyo carabta ah. Waxaa muhiim ah inaan abuurno fursad lagu heli karo macluumaad la xaqiijiyay oo sax ah,” Sidaas ayay Hashi, Abdulkadir, iyo Ismaeel ku tilmaameen ahmiyadda ay leedahay wararka afka hooyo ku baxa.

Bulshadii maamusha baraha bulshada iyo madalaha dijitaalka ah ayaa bedela macluumadka ay dadku helayaanan iyo weliba siyaabaha awoodda bulshada loo isticmaalo. Arintaan ayaa naga dhigaysa kuwo u nugul wararka been abuurka ah. Wararka luqadaha kala duwan ayaa ka mid ah tallaabooyinka Yle ay ku cusboonaysiinayso hawlaheeda ay kula jaanqaadayso bulshada dijitaalka ah ee sida joogtada ah isu sii isbedelaysa.

Soo saarista wararka Yle waxaa loo adeegsanayaa tiknoolajiyad casri ah, sida garaadka macmalka oo loo kaalmeeysan doon qoraal u rogidda hadalka, iyo mashiinka oo turjumaya. Si kastaba ha noqotee, turjumaadaha iyo qoraaladaba waxaa mar kasta hubin doono qof. Waaxda wararka luqadaha kala duwan ayaa waxay sii wadeysaa horumarinta ay Yle hore u bilowday, iyadoo weliba raadineysa hal-abuur cusub si ay ugu adeegto dadyowga ku hadala luqadaha laga tirada badanyahay lana adeegsanayo garaadka macmalka ah. Wararka luqadaha kala duwan waxaa soo saari doono koox tiro yar oo si wax ku ool ah u adeegsan doonta garaadka macmalka ah.

Yhteyshenkilöt

Faahfaahin dheeraad ah:
Marko Krapu, soo-saaraha mas'uulka ka ah wararka luqadaha kala duwan, Yle, marko.krapu@yle.fi

Yle on suomalaisten oma, vuonna 1926 perustettu julkisen palvelun mediayhtiö. Ainutlaatuiseen tehtäväämme kuuluu välittää luotettavaa tietoa, sivistää ja viihdyttää, vahvistaa demokratiaa ja kulttuuria sekä edistää sananvapautta, tasa-arvoa ja yhteenkuuluvuutta. Palvelemme suomalaisia televisiossa, radiossa ja verkossa vuoden jokaisena päivänä kellon ympäri.

Jos et jatkossa halua vastaanottaa Ylen viestinnän lähettämiä tiedotteita, lähetä viesti osoitteeseen yleisradio@yle.fi. Tässä Ylen viestinnän lähettämien tiedotteiden tietosuojaseloste.

Tilaa tiedotteet sähköpostiisi

Haluatko tietää asioista ensimmäisten joukossa? Kun tilaat tiedotteemme, saat ne sähköpostiisi välittömästi julkaisuhetkellä. Tilauksen voit halutessasi perua milloin tahansa.

Lue lisää julkaisijalta Yleisradio Oy

Uutishuoneessa voit lukea tiedotteitamme ja muuta julkaisemaamme materiaalia. Löydät sieltä niin yhteyshenkilöidemme tiedot kuin vapaasti julkaistavissa olevia kuvia ja videoita. Uutishuoneessa voit nähdä myös sosiaalisen median sisältöjä. Kaikki tiedotepalvelussa julkaistu materiaali on vapaasti median käytettävissä.

Tutustu uutishuoneeseemme
HiddenA line styled icon from Orion Icon Library.Eye